Health Department

Su’aalaha Badanka la Isweydiiyo - Hargabka H1N1 (Hargabka Doofaarka)

Waa Maxay Hargabka H1N1?

Fayraska H1N1, oo sidoo kale loo yaqaan “Hargabka doofaarka” iyo “hargabka A ee doofaarka” waa fayras fida oo dadka qaba ay kuwa kale ugu gudbin karaan qufac ama hindhiso. Marka ay dadku qufacaan ama hindhisaan, waxay jeermiska raaciyaan hawada ama oogada walxaha ay dadka kale taaban karaan. Fayraska H1N1 isuma gudbiyaan doofaarka iyo dadku ama cunista waxyaabaha laga helo doofaarka.

Maxaan sameeyaa si aan isaga ilaaliyo in aan qaado Fayraska H1N1?

Ugu horreynta arrinta ugu muhiimsan: Maydh gacmahaaga, iskana ilaali in aad u dhowaato dadka xannuunsanaya.

Waa Maxay Astaamaha Fayraska H1N1?

Astaamaha Fayraska H1N1 ee dadku waxa uu la mid yahay kuwa hargab-xilliiyeedka: xumad, qufac, cuno xannuun, jidh xannuun, madax xannuun, qandho iyo tabcaan. Dadka qaarkood ayaa sheegay matag iyo shuban.

Ma leeyahay daaweyn hargabka H1N1?

Haa, waxa jira daawooyin ka hortagga fayraska oo lagu daweeyo fayraska H1N1. Daawooyinkan dhakhtarku qoraa waxay ugu fiican yihiin marka la bilaabo 2 maalmood gudahood marka aad aragto Astaamaha fayraska. Dhakhtar caafimaad ayaa go’aaminaya in qofka xannuunkiisu gaadhsiisan yahay inuu u baahan yahay daaweyn. Tallaal loogu talagalay fayraska H1N1 ayaa hadda tijaabo ku jira.

Maxaan sameeyaa haddii aan xannuunsanayo?

  • Gurigaaga joog, ha tegin shaqada ama iskuul, hana socdaalin. Is baxnaani oo dadka kalena ka ilaali in ay cudurka qaadaan.
  • Ku Dabool sankaaga iyo afkaaga tuwaal ama suxulkaaga marka aad qufacdo ama hindhisto.
  • Gacmahaaga ku maydh saabuun iyo biyo, gaar ahaan marka aad qufacdo ama hindhisto. Haddii aanay suurtogal kuu ahayn saabuun iyo biyo, isticmaal gacmo-nadiifiye alkool leh.

Sidee baan u go’aansadaa in aan raadsado daaweyn?

Dadku waa in ay go’aansadaan marka ay raadsanayaan daaweyn sida ay u sameeyaan xaaladaha caadiga ahba. La tasho dhakhtar caafimaad ama raadi daaweyn marka aad aragto:
  • Xumad saddex maalmood ama ka badan oo aan
  • Cuno xannuun xun ama qufac daran. lahayn sabab la garan karo.
  • Laab xannuun.
  • Xannuun si deg-deg ah u sii xumaanaya.
  • Qofka oo aan jawaabi karayn ama aan sariirta ka kici karayn.

Wixii macluumaad dheerad ah:

(Waaxada Caafimaadka Dadweynaha Magaalo-weynta): www.health.nashville.govwww.health.nashville.gov
Khadka Taleefanka Hargabku waa 615.340.7775 waxana laga heli karaa macluumaad ku duuban cajalad oo ku saabsan hargabka H1N1, oo la heli karo 24 saacadood/maalintii.
Revised by LinguaLinx
Dukumentigan waxa laga soo qaatay oo dib-loogu-daabacay oggolaansho iyada oo laga haysto Caafimaadka Dadweynaha - Seattle iyo King Kaawnti, WA.